Kaddib Markii Cabasho Loo Soo Gudbiyey Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Maine

Kaddib Markii Cabasho Loo Soo Gudbiyey Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Maine

Warqaddan xogta waxaa loo naqshadeeyay si jawaab looga bixiyo qaar ka mid ah su’aalaha laga yaabo in uu Dacwooduhu qabo ee la xidhiidha geeddi socodka loo marayo baadhitaanka cabashada Golaha loo soo gudbiyey.

1. Maxaa dhacaya kaddib markaan cabashadayda dib ugu diro Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Maine? 

Marka uu Goluhu helo Cabashadaada Takooridda oo saxiixan, waxaa loo samayn Kiis Lambar  (Case Number), kaddibna waxaa dacwaysanaha loo dirayaa koobiga cabashadaada ooy la socoto Codsasho Xogta iyo Dukumeentiyada. Adigana waxaad heli doonaa koobbiga waxyaabaha Dacwaysanaha loo diray. Guud ahaan, waxaa Dacwaysanaha la siin doonaa muddo hal bil ah oo uu kaga soo jawaabi doono arrimaha aad ku eedaysay. Waxaa dhici karta in Golaha oo aragtidiisa cabbiraya uu muddadaasi ka jawaabidda uu dheerayo.

2. Miyaan kari doonaa in aan arko jawaabta uu dacwaysanuhu soo gudbiyo?

Haa. Hal koobi oo jawaabaha Dacwaysanaha ayaa lagu soo diri doonaa kaddib marka ay jawabahaasi Golaha soo gaadhaan. Waxaad heli doontaa fursad aad ku baadhid oo aad qoraal ahaan ugu soo gudbisid xog kasta oo  muujin karta in sababta (sababaha) uu Dacwooduhu ka bixiyey tallaabadiisa (tallaabooyinkiisa) ay khaldantahay, ama  muujinaysa in uusan ka jawaabin takooridda aad ku eedaysay.

3. Intaas kaddib, sidee loo fulin doonaa baadhitaanka?

Isla marka ay suurogal ay noqoto, waxaa loo magacaabi doonaa Baadhe dacwaddaada. Waxaa laguu sheegi doonaa magaca Baadhaha iyo wixii xidhiidh ah ee ay tahay in la sameeyo. Baadhuhu wuxuu fiirin doonaa faylkaaga, wuxuuna labada dhinacba ogaysiin doonaa habka uu baadhitaanku u socon doono.

Mararka qaarkood waxaa dhici karta in uu Baadhuhu go’aamiyo in uu qabto Kulan Arrimo iyo Go’aan ku saabsan, ama Kulan Xaqiiqo Raadis ah. Xaaladaha kale qaarkoodna waxaay go’aansan karaan in lagugu waraysto taleefoonka ama fool-ka-fool mid uun. Ama waxay go’aansan karaan in ay jirto xog buuxda faylka ee labada dhinacba ka socda oo baadhitaanka lagu soo afjarayo oo la soo saaro Warbixinta Baadhaha. 

Waa in aad fahantid in uusan Baadhuhu adiga ama Dacwoodaha matalayn. Shaqada Baadhuhu waxay tahay in uu eego dhammaan xogta labadiina dhinacba ka timid oo uu go’aamiyo bal in uu jiro xad-gudub lagu sameeyay Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Maine.

4. Maadaama uusan baadhuhu aniga imatalayn, miyaan samaysan karaa qareen ii dooda?

In aad qareen samaysanaysid ama aanad samaysanayn waa go’aan adiga kuu yaalla. Waxaa dhici karta in uu dhinac kasta oo labada dhinac ka tirsan uu yeesho sharci yaqaan matalaya. Haddii aad qareen samaysatid, waa in uu qareenkaasi Golaha la socodsiiyo in uu adiga ku matali doono. Kaddib markaanu ogaano in faylka ay ku jirto xog tilmaamaysa in aad wakiil sharicyeed yeelatay, shaqaalahayagu dukumeentiyada baadhitaanka arrintaada la xidhiidha ee mustaqbalka waxay toos ugu diri doonaan qareenkaaga.

Goluhu wuxuu hayaa liis tilmaamaya qareeno muujiyey inay xiisaynayaan inay matalaan dhinacyada ay dacwaduhu ka dhexeeyaan ee ay arrimahoodu Golaha horyaalaan. Liiskaasi waxaa la heli karaa marka la codsado.

5. Haddii uu jiro kulan xaqiiqo raadis ah, maxaa dhacaya?

Kulanka Xaqiiqa Raadisku waa shir Baadhaha lala yeelanayo. Adiga iyo Dacwaysanaha ayaa shirkan la idinku casuumi doonaa. Kulanka Xaqiiqa Raadisku waa waqti lagaga wadahadlayo xaqiiqooyinka dacwaddan ku saabsan. Waxaa  kale oo dhici karta in uu Baadhuhu makhraatiyayaal ama dad kale uu ku casuumo inay shirkan ka soo qayb galaan. Haddii uu jiro qof aad dareensantahay inay ka soo qaybgaliddiisu khasab tahay, fadlan Kulanka ka hor Baadhaha  u qor ama taleefoon ku wac oo u sheeg.

Kulanku ma’aha mid rasmi ah oo la mid ah kan maxkamadda lagu qabto. Haddii adiga ama Dacwaysanuhu aad qabtaan su’aal aad doonaysaan in jawaab la idinka siiyo, Baadhaha waad ka-codsan kartaan in uu jawaab idinka siiyo. Kulanka Xaqiiqa Raadisku ma’aha m id dadweynaha u furan. Wuxuu u furanyahay keliya dadka uu Baadhihu go’aaminayo in baadhitaanka loogu baahanyahay. 

Kulmada waxaa sida qaalibka ah lagu qabtaa goob dhex dhexaad ah. Hase yeeshe, mararka qaarkood waxaa lagu qabtaa goobta shaqada ee Dacwaysanaha, gaar ahaan haddii aad meeshaas ka shaqaysid ama haddii uu Baadhuhu doonayo in uu makhraatiyayaal la hadlo ama uu diiwaanada arko. Haddii aad goobta ka walaacsantahay intaanan jadwalka shirka la diyaarin ka hor Baadhaha la xidhiidh.

6. Xogta ku saabsan dacwaddaada ee qarsoodiga ah

Xogta la ururiyey muddadii lagu jiray baadhitaanka dacwaddaada Baadhaha ayaa u adeegsan doona diyaarinta Warbixinta Baadhaha. Xogta faylka ku jirta illaa hab maamuleed lagu burinayo ama illaa lagu darayo Mawduucyada Shirka Golaha waxaa loo xafidayaa hab qarsoodi ah. Inta aynu haysano Foomka Shaacin La’aanta (Non-Disclosure Form) oo si habboon loo buuxiyey waxaa xogta lala socodsiinayaa dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxayso iyo wakiiladooda sharciyeed. 

Kaddib marka dacwadda hab maamuleed lagu burinayo ama marka lagu daro Mawduucyada Shirka Golaha, waxaa si qarsoodi ah loo xafidayaa xogta lagu garan karo dadka aan ka mid ahayn dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxayso.

7. Waa maxay Xallintu?

Xallintu waxay dhacdaa marka dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxayso ay ku heshiiyaan habab ay ay ku xallinayaan arrimaha aad kaga hadashay dacwaddaada, oo uu go’aanka kama dambaysta ahna Goluhu soo saarayo. Goluhu wuxuu labada dhinacba si adag ugu dhiirigelinayaa inay dacwadda ku xalliyaan hab aan rasmi ahayn ka hor intaanan go’aan laga soo saarin inay takoorid dhacday iyo in kale. Baadhuhu wuxuu labada dhinacba kala shaqayn doonaa si ay xal ugaadhaan. Xallintu waxay kuu fududaynaysaa in aad maslaxo dhinacaaga ah abuurtid iyo si aad waqtigaaga iyo lacagtaadaba u badbaadisid. Haddii xal la gaadho, Goluhu wuxuu oggolaan doonaa in uusan dacwadda sii wadin.Wadahadalada xalka laga yeelanayo waa qarsoodi. Heshiiska kama dambaysta ah ee aad gaadhaysaan waxaad ku muujinaysaan qoraal, waxaana loo xafidayaa si qarsoodi ah. Goluhu wuxuu xaqiijinayaa in qodobbada heshiiska la fuliyey, dacwaddana si rasmi ah uma xidhayo illaa dhammaan waajibaadyada la fulinayo. Haddii aad adiga iyo Dacwaysanuhu heshiis gaadhaan, waxaad heli karaysaa in aad dacwadda la-noqotid. Laakiin Goluhu awood uma-yeelan doono in uu heshiiskiina dhaqangeliyo. Baadhaha, ama Maareeyaha Uhoggaansanaanta ee Golaha wadahadal kala yeelo fursadaha kuu bannaan ee aad dacwaddada ku xallin karaysid.doono in uu heshiiskiina dhaqangeliyo. Baadhaha, ama Maareeyaha Uhoggaansanaanta ee Golaha wadahadal kala yeelo.

8. Maxaa dhacaya haddii aan dacwaddayda xallin waayo?

Waxaa jira waxyaabo dhawr ah oo dhici kara. Waxaad la noqon kartaa dacwaddaada Kaddib haddii baadhidda waxaad heli kartaa in aanad ubaahan in uu Goluhu baadhitaankayaga sii wado.  Waxaad saxeexaysaa Foomka La-noqoshada dacwadda, waxaana la xidhayaa dacwaddaada.

Haddii aan xal la gaadhin, ama aad go’aansatid in aad dacwadda la noqon waydid, Baadhuhu wuxuu qori doonaa Warbixinta Baadhaha. Warbixintu waxaa lagu qorayaa xaqiiqooyinka labada dhinacba ka yimid oo kooban. Qaybta ugu dambaysa ee Warbixinta, wuxuu Baadhuhu ku muujin doonaa talada uu Golaha u soo jeedinayo taas oo ka hadlaysa inay jiraan ama in ayna jirin sababo macquul ah oo lagu rumaysan karo inay takoorid sharci-darro ah dhacday iyo in kale. Haddii u dhinac kasta oo labada dhinac ka mid ahi uu ka soo horjeedsado talada uu Baadhuhu soo jeediyey, wuxuu yeelanayaa muddo todoba-iyo-toban (17) maalmood ah oo uu qoraal ahaan diidmadiisa ugu soo gudbisan karo. Koomishineerada ayaa eegi doona Warbixinta Baadhaha iyo haddii ay jiraan wax diidmooyin ah oo la soo gudbiyey, ka hor intayna dacwaddaada ama kuwa kale ayna cod u qaadina waxay dhagaysanayaan dood xagga afka ah oo hortooda lagu yeelan doono, taas oo ka dhacaysa Shirka uu Goluhu yeelanayo oo dadweynaha u furnaan doona.  

9. Muddo intee dhan ayuu qaadanayaa baadhitaanka lagu samaynayo Dacwaddayda Takooridda ku saabsan?

Sida qaalibka ah waxaa dacwadaha la furaa oo Dacwaysanaha la ogaysiiyaa muddo bil gudaheeda ah kaddib marka uu xafiiskayagu guddoomo dacwaddaada (cabashadaada) aad nootaayada ka soo xaqiijisay. Sida qaalibka ah waxaanu Jawaabaha Dacwaysanaha qabanaynaa oo aynu adiga kugu soo diraynaa muddo lix toddobaad gudaheed ah oo lagasoo tirinayo xilligii ay dacwaddaadu nasoo gaadhay. Haddii dacwaddaada la xalliyo, ama haddii aad go’aansatid in aad dacwaddaada la noqotid, waxay dacwaddu ku dhammaanaysaa muddo intaasi la sheegay ka dhaqsa badan. Hase yeeshe, muddada baadhitaanka dacwaddaada u taalla waxay qaadan kartaa bilo badan illaa in ka badan hal sano. Waxaa khasab ah in uu Goluhu geeddi-socodkiisa ku dhammeeyo muddo laba sano ah oo laga soo tirinayo taariikhda la sheegay in uu xad gudubku dhacay. 

10. Maxay tahay warqadda xuquuqda dacwaynta?

Haddii aad doonaysid in dacwaddaada toos ugu gudbisatid Maxkamadda Sare, oo uuna baadhin Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Maine dacwaddaada, iyo haddii uu faylkaaga Golaha ka furnaa muddo 180 maalmood ah ama in ka badan, waxaad codsan kartaa warqadda Xuquuqda Dacwaynta. Goluhu wuxuu ku siin doonaa warqadda, wuxuuna isla markaaba joojinayaa baadhitaanka dacwaddaada takooridda ku saabsan. Markaad codsatid warqadda Xuquuqda Dacwaynta waxay taasi maamul ahaan burin doontaa dacwaddaada.

11. Dacwaysanuhu miyuu iga qaadi karaa tallaabo sharciyeed maadaama aan dacwad ka soo gudbiyey?

Maya. Haddii uu Dacwaysanuhu oo tallaabo aar goosi ah kaa qaado maadaama aad dacwad ka soo gudbisey ama aad baadhitaan taageertay, taasi waxay noqonaysaa mid sharciga ka soo horjeedda. Haddii aad rumaysantahay in uu Dacwaysanuhu tallaabo noocaas oo kale ah kaa qaaday, waxaad soo gudbisan kartaa dacwad aad aar goosigaasi ka qabtid

12. Tallaabo maxkamadeedse?

Goluhu waa wakaalad ay leedahay dawladda Gobolku oo mas’uul ka ah baadhitaanka dacwadaha takooridda ku- aabsan ee Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Maine. Tan way ka duwantahay tallaabo maxkamadeed. Baadhitaanka kaddib, haddii dacwadda la xallin waayo oo aad doonaysid in aad raadsatid amar fulintiisa lagu qasbanaanayo oo waafaqsan Xeerka Xuquuqda Aadanaha ee Maine, waa in aad dacwaddaada horgaysid Maxkamadda Sare ee Maine. Golaha naftirkiisa ayaa arrimo tiro keliya oo uu ogaado inay jiraan sababo macquul ah oo uu rumaysanyahay inay takoorid sharci-darro ah dhacday maxkamadda ugu gudbin doona. 

Waqtiga ugu-dambeeya ee dacwadda maxkamad loogu gudbisan karo waxay ku egyahay 2 sano oo laga soo tirinayo taariikhda ay dhacday takooridda la sheegay ama 90 maalmood oo laga soo tirinayo taariikhda warqadda xuquuqda dacwaynta la buriyey, ama heshiis lagu guuldaraystay – muddooyinkaasi la soo sheegay kan ugu dheer.

13. Miyuu jiraa wax kale oo aan ubaahnahay in aan ogaado?

Haa. Haddii aad guurtid ama aad baddashid lambarka taleefoonkaaga, waxaa khasab ah in aad Golaha ogaysiisid. Haddii taleefoonka la jaray, ama haddii aanad taleefoon lahayn, waa in aad sheegtid cinwaan ama lambar lagaala soo xidhiidhi karo. Haddii uu Goluhu kula soo xidhiidhi kari waayo waxaa dhici karta in dacwaddaada la buriyo.

(Revised 4/12) 

Haddii ay kugu adagtahay akhrinta qoraalada ee websaydkan, ood jeclaan lahayd dukumiinti laga turjumay Ingirii oo loo turjumay luuqad kale (ooy ka mid tahay Luuqadda Dhagoolaha Maraykanka) ama lagugu siiyo qaabab la isticmaali karo, fadlan nagala soo xidhiidh (207) 624-6290 ama webmaster si aad u codsatid afcelin, turjumid ama hoy.