Skip Maine state header navigation

Agencies | Online Services | Help

Skip First Level Navigation | Skip All Navigation

MH Home > Rights of Recipients Summary in Somali

Rights of Recipients Summary in Somali

QAYBTA ADEEGA ANSHAXA IYO HORUMARKA XUQUUQDA KA
FAA’I DEYSTAYAASHA ADEEGA CAAFIMAADKA MASKAXDA

Tani waa soo uruurin xuquuqdaada ka faa’I dayste ahaan adeega hoos timaadda xuquuqda ka faa’idaystayaasha adeega caafimaadka maskaxda. Waxaad xaq u leedahay inaad heshid nuqul dhan ee xuquuqda oo aad ka helaysid hay’ada ama qaybta adeega anshaxa iyo horumarka Department of Behavioral and Developmental Services, 11 State House Station, Augusta, Maine 04333, Tel: (207) 287-4250 (Codka), 1-800-606-0215 (“TTY” – taleefoonka dhagoolada). Hadii aad dhagool tahay ama aadan fahmi karin ingiriisiga, waxaa laguu heli karaa tarjumaan lacag la’aan ah si aad u fahamtid xuquuqdaada iyo sida laguu maamulo.

1.      Xuquuqda aasaaska ah. Waxaad leedahay xuquuq la mid ah tan shacabka, insaanimada iyo xuquuqda sharciga ah oo ay leeyihiin dadka degan Maine. Waxaad leedahay xuquuqda ah in laguula dhaqmo si xushmad iyo ixtiraam ah ee shakhsiyadeed iyo sharafeed.

2.      Qarsoodiga iyo Gaaritaanka Feelasha. Qof kale ma arki karo feelkaaga hadii adiga qof ahaan si gaar ah aadan ugu ogolaan inuu arko hadii aysan ahayn mid ku cad buuga xuquuqda oo u ogolaanaysa. Waa ku dari kartaa feelkaaga qoraal ahaan si aad u cadaysid wixii aad rumaysan tahay in aynan dhamayn ama sax ahayn. Waxaad xaq u leedahay in aad dib u eegtid feelkaaga waqtiga ay munaasib tahay.

3.      Maamul Qofeed ama Adeeg Qorsheed. Waxaad xaq u leedahay qorsho qofeed ay wada sameeyaan adiga iyo u qaabilsanaha howlahaaga oo ku salaysan baahidaada iyo qorshahaaga. Qurshuhu waa inuu ahaadaa mid qoraal ah adiiguna heshaa mid nuqul ah (copy). Qorshuhu waa inuu yahay mid dhamaystiran qof kastana uu samayn karo, waqtigana lagu habeeyo shaqada, iyo baahida, iyo hadii adeega la rabo la heli waayo sheeg sidii loo faahfaahin lahaa baahidaada.

4.      Ogolaansho la Ogyahay. Adeeg ama maamul laguma siin karo oo ka dhan ogolaanshahaaga, hadii uusan jirin qof kaa mas’uul ah oo uusan ogolaanin, hadii ay jirto xaalad deg deg ah ama dhegaysi gaar ahaaneed oo ku saaabsan sidii maamulidaadu u dhacday. Waxaad xaq u leedahay in lagu ogaysiiyo (ama la ogaysiiyo qofka kaa mas’uulka ah) waxyaabaha khatarta ah ama faa’idada ah ee la sii saadaaliyay ee adeeg walba iyo maamulidba oo ay ku jirto daawo siinta iyadoo ay tahay hab aad fahmi karto. Hadii aad su’aalo qabtid, waxaad waydiin kartaa u qaybsanaha howlahaaga ama qof walba oo aad doorato inta aadan go’aan ka gaarin arimaha maamulka iyo adeega.

5.      Kaalmaynta Ilaalinta Xuquuqda. Waxaad xaq u leedahay in aad doorato qof mas’uul ah oo kaa caawiya fahmida xuquuqdaada ama kaa caawiya ka shaqaynta maamulida ama qorshaha adeegaaga. Hadii aad rabtid qof mas’uul ah waa inaad qoraal ahaan ku sheegtaa qofka aad dooratay. Waad la kulmi kartaa mas’uulkaaga waqti kasta oo aad rabtid waana beddeli ama baabi’in kartaa doorashadaada waqti kasta.

6.      Xuriyada ka fog Figinta iyo Hakinta. Laguma figin karo ama hakin karo habaynta bukaan socodka.

7.      Xuquuqda Diiwaan Gelinta. Waxaad xaq u leedahay inaad keentid cabashadaada iyo dood kasta oo waxyeeli karta xuquuqdaada ama su’aalo howleed oo kasta. Waxaad xaq u leedahay in cabashadaada lagaaga jawaabo qoraal, iyadoo la socoto sababaha go’aanka waxaad racfaan u qaadan kartaa go’aan ka kasta ee qaybta caafimaadka maskaxda. Laguma ciqaabi karo sinaba feelgelinta cabashadaada. Waxaad la xiriiri kartaa xafiiska ama maamulka the Office of Advocacy, 60 State House Station, Maine 04333, Tel: 287-4228 (Codka), 287-1798 (“TTY” – taleefoonka dhagoolada) ama xarunta laxaad la’aanta (Disability Rights Center), P.O.Box 2007, Augusta, Maine 04338-2007, Tel: 1-800-452-1948 (Codka iyo “TTY” – taleefoonka dhagoolada).

Waxaan helay nuqul (copy) oo ah soo uruurinta xuquuqda ka qaybqaataha Adeega Caafimaadka
Maskaxda.


___________________________________________________________________________________________
Taariikhda           Saxiixa loo adeegaha                        Taariikhda               Saxiixa  goobjoogaha